Home Wararka Maanta Diplumaci Mareykan ah oo diiday inuu ka Guuro Kabul

Diplumaci Mareykan ah oo diiday inuu ka Guuro Kabul

0

Diblomaasi sare oo Mareykan ah oo ku sugan Afgaanistaan ​​gaar ahaan caasimadda Kabul ayaa ka hadlay “warar been abuur ah” oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay.

Maalintii Axadda, markii Taalibaan ay soo galeen caasimadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dhammaan shaqaalihii safaaradda loo daad gureeyay garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai, oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Mareykanka.

Balse Danjire Ross Wilson ayaa wuxuu ku caddeeyay bartiisa twitter -ka in isaga iyo shaqaalaha safaaraddu ay weli ku sugan yihiin Kabul “iyagoo aad ugu dadaalaya inay caawiyaan [kumanaan] muwaadiniin Mareykan ah iyo dadka reer Afghanistan ee nugul”. Waxa uu sheegay in uusan Kabul ka bixi doonin ilaa uu gaaro hadafkiisa ah bad-qabka dadkaasi.

Xigasho BBC News Somali

Ad
Previous articleWarbixin” Waa Maxay Farqiga u dhaxeeya Xoogaga Alshabaab iyo Taalibaan ?
Next articleDeg Deg Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaley oo Qarax ku dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here