Home Wararka Maanta Warbixin: R/W Rooble ma noqon karaa Nuur cadde

Warbixin: R/W Rooble ma noqon karaa Nuur cadde

0

Muqdisho waxa ay kujirtay Xaalad Aad uliidata oo Dhiig bax ahayd ,Ciidamada Itoobiya ayaa Duqeynayay Xaafada Kamid ah Muqdisho ,Dadku waxa ay Ahaayeen kuwa Barakac ujoog ah oo Badi waxa ay Jireen Duleedka caasimada ,Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Ayaa Ra’isulwasaare umagacaabay Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade 22 November 2007 waloow Dadku raja badan aysan ka qabin waqtigaas Magacaabista Nuur.

Nuur cade magcabistisiii kadib waxa uu lasoo baxay Dardar Waxa uuna ku guuleystay inuu Xaalada Caasimadq Dajiyo Mucaaradkana La heshiiyo intaas kuma ekaane waxa uu Amaro kasoo saaray in Ciidamada itoobiya aysan duqeyn karin Xaafadaha Muqdisho oo waxaa dhaqan galay awaamiir badan oo nuurcade bixiyay xiligaas iyadoo shacabka Muqdisho markaas Nuurcade u arkayay Nuur loo soo diray si Mugdigii ay kujireen uu uga saaro .

Waxaan Arkaa Dad badan oo Leh Rooble maa noqdo Nuur Cade balse Su’aasha ayaa ah Ma noqon Karaa ?

17 kii September 2020 ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu Ra’isulwasaare umagacaabay Maxamed Xuseen Rooble si uu hawsha Xukuumada uwado.

Rooble Caqabadihii Horyaalay Nuur Cade ma horyaaliin waloow wadanku uu kujiro xaalad kala guur ah oo lafteedu keeneyso in Ra’isulwasaaruhu wali Doorkiisa maareyn ee doorashada meesha ay ka maqantahay waana mida keeneysa in lasoo xasuusto Nuur Cade

Maxay ka siman yihiin Nuur Iyo Rooble Maxaysan ka Sineyn .

● Waxa ay ka siman yihiin waa Laba Nin Oo Aad udagan una Afgaaban Sida dadka udhow ay ku tilmaanaan .

● Waxa aysan ka sineyn Nuur iyo Rooble ,Nuur Waxa uu ahaa nin og halka laga yimid iyo Meesha loo Socdo Go,aanadiisuna waa ay cadaayeen .

● Nuur Cade lama Uusan weyneyn Qofkii Magacaabay Ee waxaa la weynaa Wixii loo Magacaabay oo ah Baahida kajirtay Dalka .

●Rooble waxaa la weyn Qofka Magacaabay wuxuusana wax weyn u arkin baahida dalka xiligaan ee uu umagacaaban yahay .

● Mucaaradka Xiligaan uma arkaan Rooble nin wax badan ka gooyo siyaasada markii laga yimaado dhiiragalinta waqtigaan lasiinayo si uu wadanka Horey uga dhaqaajiyo.

Adigu Ma u aragtaa Rooble inuu Waqtigaan Noqon Karo Nuur Cadde ?

WQ : Maxamed Ciise Koonaa

Ad
Previous articleGalmudug oo wada Dadaalo Looga Hortegayo Covid-19
Next articleGuddiga Abaabulka Banaanbaxayaasha oo War soo saaray (SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here