Home Wararka Maanta Wararkoo Ugu Danbeeyey Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Wararkoo Ugu Danbeeyey Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa ay si xoogan u maqleen dadka deegaanka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Shaaciye ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen goobjoogaal

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan kuwa Xasilinta ee loo yaqaano Boolis Milataari.

Ugu yaraan illaa 4 qof oo uu mid kamid ah askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, halka saddex kale ay yihiin dad shacab ah oo ku sugnaa goobta.

Ciidamada la qarxiyay ayaa howlgal kooban ka sameeyay goobta, waxayna kadib sii wateen socdaalkooda horay u qaaday askariga ka dhaawacmay.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, mana jiro wax faahfaahin oo ay ka bixiyeen laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah, kuwaas oo ay soo maleegaan xubnaha kooxda Al-Shabaab oo haatan wajahaya dagaal culus oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxa xasiloonood caasimada, marka loo eego weeraradii horay uga dhici jiray, hadana mararka qaarkood waxaa dhaca falal ammaan darri oo qaarkood ay gaystaan xubnaha Al-Shabaab, sida qaraxyo miino iyo dilal qorsheysan intaba.
Ad
Previous articleAlshabaab oo Xalay Weerar Layaableh ku Qaaday Guriga Nabadoon cabdi Xasan Si Arxan darana U Dilay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Gaashaanle Lagu Dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here