Home Wararka Maanta Alshabaab oo Xalay Weerar Layaableh ku Qaaday Guriga Nabadoon cabdi Xasan Si...

Alshabaab oo Xalay Weerar Layaableh ku Qaaday Guriga Nabadoon cabdi Xasan Si Arxan darana U Dilay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay Al-Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare xoogan.

Weerarka oo ka dhacay degmada Dayniile ayaa waxaa lagu qaaday guri uu waaxda Buurdheere  ka daganaa nabadoon lagu magacaanitay Cabdi Xasan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daray in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay fuliyeen weerarka, kuwaas oo gudaha u galay guriga marxuumka, kadibna si arxan daran u dilay.

Marxuum Nabadoon Cabdi Xasan ayaa lala dhacay rasaas tiro badan, taas oo ka muuqatay jirkiisa, kadib weerarka, waxaana lala dilay askar waardiye u ahaa.

Xoghayaha maamulka degmada Dayniile oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay jirintaanka weerarkan iyo dilka nabadoonka, wuxuun sheegay inay gurmad sameeyeen, kadib weerarka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay gacanta kusoo dhigeen laba kamid ah Shabaabkii weerarka geystay oo nool iyo mid kale oo mayd ah, sida uu hadalka u dhigay.

Ma jiro wax war ah oo kas oo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi, mana sababta ay u beegsadeen nabadoonka oo ay gurigiisa ugu tageen xubno aad u hubeysan.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay daganayd xaaladda ammaan ee Muqdisho, kadib qorshe cusub oo ay la yimaadeen hay’adaha ammaanka ee dowladda.
Ad
Previous articleQalab culus oo Alshabaab loo Waday oo Gacanta Lagu Dhigay iyo Ragii waday oo Gacanta Lagu Dhigay
Next articleWararkoo Ugu Danbeeyey Qarax Ka Dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here