Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Gaashaanle Lagu Dilay Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Gaashaanle Lagu Dilay Muqdisho

0

Kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay xalay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya ay ku dileen degmada Kaaraan, gaar ahaan xaafadda Arjantiin ee degmadaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Cabdullaahi Cali Calasow (Madaxey), wuxuuna horay usoo noqday taliye ku xigeenkii booliska degmada Waabari iyo sidoo kale taliyaha ciidanka Taraafikada ee magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in marxuumka ay toogteen dhalinyaro hubeysan, xilli uu kasoo baxay masaajid ku yaalla halkaasi, waxaana kadib baxsaday ragga dilka gaystay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan toogashada loo gaystay Cabdullaahi Madaxey.

Waa dilkii labaad ee ka dhacaya caasimada, waxaana xalay Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan koox ka tirsan Shabaab ay ku dishay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa toos loogu qaaday guri uu waaxda Buurdheere  ka daganaa nabadoon, ayada oo lala dilay askari waardiye u ahaa marxuumka.

Wararka ayaa intaasi ku daray in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay fuliyeen weerarka, kuwaas oo gudaha u galay guriga marxuumka, kadibna si arxan daran u dilay.

Laba kamid ah xubnihii weerarka fuliyay ayaa nolosha lagu qabtay, halka la helay maydka mid kale, sida uu shaaciyay xoghayaha maamulka degmada Dayniile.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ay daganayd xaaladda Muqdisho, kadib qorshe cusub oo ay la yimaadeen hay’adaha ammaanka ee dowladda.

Ad
Previous articleWararkoo Ugu Danbeeyey Qarax Ka Dhacay Muqdisho
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo lakala Furfuray iyo Maantay Wixi ka Dhacay Villa Hargaysa Xili lagu Balansanaa Kulan wayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here