Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Xogta Tirada Shabaabka Ah Ee Weerartay Xarunta Maamulka Gobolka...

Wararkii Ugu Danbeeyey Xogta Tirada Shabaabka Ah Ee Weerartay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

0

Inkabadan hal saac ayuu dagaal ka socdaa gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaasoo u dhexeeya dagaalamayaasha Shabaab iyo ciidanka dowladda.

Dabley Shabaab ah oo Shan ruux ah ayey xogaha soo baxaya sheegayaan iney weerar qaraxyo ku bilwoday ku qaadeen xarunta maamullka gobolka Baanaadir, waxaana socda dagaal fool ka fool ah.

Dableyda weerarka qaaday mid kamid ah ayaa is qarxiyay, halka labo kale ay toogteen ciidamadda amniga, waxaana haatan gudaha Aqalka dowladda Hoose ka dhex dagaalamaya laba dagaalame oo Shabaab ah, iyadoo mararka qaar la maqlayo qaraxya ka dhacaya gawaaridii ay ka dageen dableyda oo ay goobta hore ugu sii diyaariyeen.

Waxaa jira khasaare culus oo ka dhashay weerarkan, waxaana dagaalka haatan kusoo biiray ciidamadda sida gaar ah u tababaran Haramcad oo howlgalka guud la waeeegay.

Ad
Previous articleQaraxyo kale oo Ka Dhacay Gudaha Xarunta Gobalka Banaadir Iyo Shaqaale Badan oo lasoo Badbaadiyay
Next articleTaliyihihii Booliska Degmada Xamarwayne oo Ku Dhaawacmay Dagaalka Kasocda Xarunta Gobalka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here