Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Wiil Soomaali Ah Oo Si arxan Daran Lagu...

Wararkii Ugu Danbeeyey Wiil Soomaali Ah Oo Si arxan Daran Lagu Dilay Dalka Ingiriiska

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil dalka Ingiriiska loogu geystay Wiil Soomaaliyeed, iyadoo dilkiisa uu baqdin ku abuuray Soomaalida dalkaasi ku nool.

Ciidamada booliiska ee magaalada Sheffield oo ku taala woqooyiga Ingiriiska ayaa bilaabay baaritaan, kaddib markii wiil Soomaali ah oo labaatameeyo jir ah toogasho lagu diley xaafadda Gleadless oo ku taala magaaladaasi.

Si dhab ah looma oga cida rasmiga ah ee ka danbeysa dilka wiilkan, iyadoo uu u geeriyooday dhaawac daran oo kasoo gaaray rasaas lala dhacay.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay xaafadda uu dilka ka dhacay, sidoo kale xeel dheerayaal baaritaanada dilka noocan oo kale ah ku taqasusay ayaa la geeyay goobta.

Booliska magaalada Sheffield ayaa dadka magaalada ka dalbaday iney laamaha amaanka la shaqeeyaan oo ay gacan ka geystaan soo qabashada danbiilaha falkaasi ka danbeeyay.

Ad
Previous articleCiidanka xoogga oo gaadiid iyo deegaankii uu ku Sugnaa Kabakutukade ee Galmudug oo Al-Shabaab laga Qabsaday(Sawiro)
Next articleHaweeneyda Trump loo heysto inuu la “seexday” oo sheegtay inuusan xabsi u qalmin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here