Home Wararka Caalamka Wararkii Ugu Danbeeyey Toogasho ka dhacday garoonka dayuuradaha Canberra (Sawirro)

Wararkii Ugu Danbeeyey Toogasho ka dhacday garoonka dayuuradaha Canberra (Sawirro)

0

Booliska ayaa xiray nin hubaysan oo rasaas oodda uga qaaday garoonka dayyyradaha ee magaalada Canberra ee dalka Australia.

Rakaabkii diyaaradaha ayaa cabsi darteed u kala cararay, waxaana ka dhacay goobta khalkhal fara badan iyo isbuurasho.

Taliska booliska ayaa sheegay in ninkan uu xabado ku riday qaybta laga galo garoonka ee loogu talogalay dadka raacaya diyaaradaha.

Lama sheegin illaa hadda wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay rasaasta, iyadoo markiiba la qabtay ninkii hubaysnaa, waxaana laga qaaday qoriga uu rasaasta ka ridayay.

Dadka ku sugnaa garoonka diyaaradaha ayaa laga daad gureeyay halkaas, si aysan waxyeello usoo gaarin.

Warbaahinta Australia ayaa tebisay in ninka hubaysnaa uu riday qiyaastii shan xabadood. Muraayado ay rasaasta daloolisay ayaa markii dambe laga arkayay dhismaha garoonka

Lama oga sababta ama ujeeddada uu ka lahaa falkaas, waxaana socda baaritaano ay wadaan Booliska, xaalada garoonka ayaana caadi ku soo laabatay.

Ad
Previous articleQabiilka Uhuru ee Kikuyada oo ka shalaynaya go’aankoodii doorashada madaxweyne Kenya Xili laga Adkaaday
Next articleALSHBAAB oo jawaab aysan Filaan ah kala Kulantay guryo iyo ceelal ay qarxiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here