Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii labaad Galay

Wararkii ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii labaad Galay

0
 Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shirkan oo uu shalay daah-furay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadlaya qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, sida Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Madaxda dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in shirka maanta uga hadlayaan arrimaha ku saabsan amniga, gaar ahaan billaabista wajiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkii shalay waxay si weyn ugu falan-qeeyeen arrimaha dhowr ah oo qeyb ka tahay, wada-shaqeynta madaxda dowladda iyo dowlad-goboleedyada iyo dhameystirka qodobadii horay loogu heshiiyay.

Inta uu socdo shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaadi doonaa arrimaha siyaasadda, dastuurka iyo weliba maqnaashaha Puntland, oo iyadu hore u sheegtay inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax banaan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sida ay hore u baahisay Mudug24 ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda caalamka, si uu uga qeyb-galo shirkaan.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka ka furmay Baydhabo sabab uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiray shirka Baydhaba, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana ay dalka ka socdaan howl-gallo culus oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dilka loo gaystay Maxamed Muuse Shiiraar
Next articleAlshabaab oo Weerar Toos ah Ku Qaaday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here