Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Toos ah Ku Qaaday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho

Alshabaab oo Weerar Toos ah Ku Qaaday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho

0

Dabley hubeysan oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin Al shabaab ayaa saaka waaberigii weeraray xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia oo ku taalla wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo bambooyin iyo qoriga baasuukaha oo lagu tuuray dhismaha Wasaaradda Gaashaandhiga gaar ahaan bar control oo laga ilaaliyo xaruntaas.

Goob-joogayaal halkaas ku dhow ayaa sheegay in qaraxyada ka dib uu bilowday iska horimaad toos ah oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo dableyda weerarka soo qaaday, iyadoo agagaarka Xarunta wasaarada Gaashaandhiga laga maqlay rasaas muddo kooban la isweydaarsanayey.

Xaalada ayaa hadda degan, iyadoo ciidamada dowladu ay xoojiyeen amaanka xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka mid ah heyadaha ugu muhiimsan dowlada.

Lama oga illaa khasaaraha nafeed ee labada dhinac ka soo gaaray iska horimaadka ka dhacay Wasaarada gaashaandhiga Somalia oo ku soo aaday xili dhowaan ciidamada DF ay gacanta ku dhigeen dabley hubeysan oo weerarkan oo ku qaaday xarunta isla Wasaaradan, kuwaasoo haatan sugaya in la soo taago Maxkamad.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii labaad Galay
Next articleDuuliyaashii Ruushka ee soo riday diyaaradii Mareykanka oo Abaal marin la siiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here