Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dilka loo gaystay Maxamed Muuse Shiiraar

Wararkii ugu Danbeeyey Dilka loo gaystay Maxamed Muuse Shiiraar

0

Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku nool Magaalada Beleweyne ee gobolka Hiiraan ayaa dil loo geystay.

Kooxo hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney Maxamed Muuse Shiiraar ku dileen Xaafada Cilmi loos ee magaalada Balad-weyne

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay ahaayeen Burcad dhac u geysaneysay mobile uu watay Wiilka dhalinyarada ah.

Ciidamada Booliska Beledweyne ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo baaritaano ah inkastoo aysan gacanta ku dhigin burcadii ka dambeeyay dilkaas.

Laamaha amaanka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dilkan oo shacabka magaalada ay si weyn uga xumaadeen.

Ad
Previous articleSoomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis Dhanka Milateriga ah kukala Saxiixday Muqdisho(Sawiro)
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii labaad Galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here