Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, sida Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Madaxda dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in shirka maanta uga hadlayaan arrimaha ku saabsan amniga, gaar ahaan billaabista wajiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkii shalay waxay si weyn ugu falan-qeeyeen arrimaha dhowr ah oo qeyb ka tahay, wada-shaqeynta madaxda dowladda iyo dowlad-goboleedyada iyo dhameystirka qodobadii horay loogu heshiiyay.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sida ay hore u baahisay Mudug24 ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda caalamka, si uu uga qeyb-galo shirkaan.
Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana ay dalka ka socdaan howl-gallo culus oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.