Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Rag ka Tirsanaa Alshbaab oolagu Dilay Suuqa Bakaaraha

Wararkii Ugu danbeeyey Rag ka Tirsanaa Alshbaab oolagu Dilay Suuqa Bakaaraha

0

Ciidamada amaanka DF ayaa sheegay iney suuqa Bakaaraha ku dileen rag hubeysan oo ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab.

“Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Isgoyska Bakaaraha ku toogtay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaasoo ku hubaysnaa laba qori” ayaa lagu yiri qoraal laga baahiyey Warbaahinta Qaranka.

Raggan ayaa lagu eedeeyey iney isku dayeen inay dhibaateeyaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

“Sidoo kale ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaajta ay saarnaayeen Khawaarijtan iyo Darawalkii Mootada u waday” ayaa lagu yiri warka laga sii daayey warbaahinta DF.

Goob joogayaal ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyey in ciidamada amaanka ay labo nin oo hubeysnaa ku dileen Suuqa bakaaraha hase ahaatee lama oga raggaasi inay ka tirsanaayeen al-shabaab iyo in kale

Ad
Previous articleXaalad adag oo Nairobi ku qabsatay Dayuurad uu la socday taliye Mahad Salaad
Next articleMaxbuus uu dhalay Masuul katirsan Dowladda Ruushka oo baxsaday Xilli Mareykanka loo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here