Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socdaalayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaas, waxaana jira khasaare gaaray.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay in qaraxaas ay ku dishay laba askari, ayna ku dhaawacday laba kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegada Al-Shabaab, kamana hadlin weli laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo ganacsiga deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Marar badan ayaa waxaa waddadan qaraxyo miino lagula eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda ammaan ee Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo ay howlgallo joogto ah ka wadeen ciidamada booliska, kuwa xasilinta iyo hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleQodobada lasoo jeediyey in dastuurka laga beddelo oo loo gudbiyey BF
Next articleShariif, Kheyre iyo CC oo ku eedeeyey Xasan kali-talisnimo iyo xaraashka hanti-guud