Home Wararka Maanta Qodobada lasoo jeediyey in dastuurka laga beddelo oo loo gudbiyey BF

Qodobada lasoo jeediyey in dastuurka laga beddelo oo loo gudbiyey BF

0

Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa soo saaray soo jeedinta uu soo diyaariyay ee wax ka beddelka dastuurka, taasi oo ka kooban illaa afar cutub.

Guddiga ayaa soo bandhigay cutubyada wax ka bedelka Dastuurka ee berri labada Aqal ka doodi doonaan afarta cutub ee uu ka kooban yahay wax ka bedeka Dastuurka.

“Guddigu inta uu ku guda jiray diyaarinta soo-jeedmiahan, waxay hay’adaha u xil-saaran dib u eegista dastuurka la-tashi la sameeyeen culimadda Soomaaliyeed, si guddiga uu u dhageysto tallooyinkooda iyo fiirooyinkooda ku aaddan wax ka beddelka cutubyada,” ayaa lagu yiri waraaq uu guddiga u direy guddoonka labada Aqal ee BF.

Soo-jeedimaha guddiga ayaa waxa qeyb ka ahaa heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo dhigaya in la qaato nidaamka madaxweyne iyo ku-xigeen, islamarkaana ay dadka ayagu soo doortaan.

Tallaabadan ayaa imaaneysa, iyada oo maalinta berri labada Aqal ee Baarlamaanka u madlan yihiin qeybinta iyo ka doodista Wax ka bedelka dastuurka oo la qorsheynayo in laba todobaad ay socoto oo ugu dambeyna la ansixiyo.

Waxaase is weydiinta tahay wax ka bedelka dastuurka haddii si isku duuduub loo meel-mariyo sidee loo hirgeli doonaa, iyada oo aysi adag u diidan yihiin madaxdii hore ee dalka, maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka aqriso afarta cutub ee soo jeedimihiisa uu soo diyaariyay guddiga, lana horgeyn doono labada Aqal ee BF.

Cutubka 1-aad: Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Cutubkan wuxuu ka kooban yahay sagaal qodob si lamid ah sidii asalka dastuurka uu ahaa, waxaana toosin lagu sameeyay dhamaan qodobbada iyo 21 faqradood.

Waxaa xusid mudan in lagu soo kordhiyay sagaal faqradood axkaamta lagu soo kordhiyay waxaa kamid ah “Reebbidda diin cayga, u hoggaansanka dastuurka iyo xeerarka dalka, daryeelka iyo illainta horumarinta afka Soomaaliga iyo suugaantiisa.”

Cutubka 2-aad: Xuquuqda aas-aasiga ah iyo waajibaadka muwaaddinka

Cutubkani wuxuu nidaaminayaa xuquuqda aas-aasiga ah, xoriyaadka iyo waajibaadka muwaadinka Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya. Sida ku xusan jaantuska warbixinta, waxaa lagu sameeyay toosin 61 faqradood iyo guud ahaan dhamaan qodobadda cutubkaan marka laga rebeo hal qodob, waxaana lagu soo kordhiyay labaatan iyo todoba faqradood iyo hal qodob oo aan ku jirin asalka dastuurka.

Sidoo kale waxaa la tiray labo qodob iyo labaatan iyo saddex faqradood oo ku jiray asalkii dastuurka KMG. Arrimaha lagu soo kordhiyay waxaa kamid ah;

  1. Xaqa ilaalinta xogta shakhsiga ah.
  2. Xaqa rafcaan qaadashada.
  3. Xaqa dhalinyarada.
  4. In aan loo gacan gelin karin muwaadin JFS dal shisheeye.
  5. Iskaalmaysiga sharciga ah ee caalamiga.
  6. In uusan jirin waqti u xaddidan furidda iyo oogidda gal dacwadeed laga garnaqaayo gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.
“Guddiga wuxuu diyaariyay cilmi-baaris dheer oo tilmaameysa aragtida madahaahibta fiqiga Islaamiga ah iyo dastuurada dalalka muslimka ah si loo helo fahan dheeraad ah oo ku saabsan arrinta da’da.

Sidoo kale, guddiga wuxuu cutubkaan u soo raray qodobka xeerinaya guddiga madax-banaan ee xuquuqul insaanka.

Cutubka 3-aad: Dhulka, hantida iyo deegaanka

Cutubkaan saddexaad wuxuu nidaaminayaa dhulka, hantida iyo deegaanka. Cutubkan waxaa inta badan qodobbadiisa lagu sameeyay toosin, waxaana lagu kordhiyey saddex qodob iyo saddex iyo toban faqradood oo cusub oo aan ku jirin asalka dastuurka, sidoo klae waxaa la tiray hal faqrad.

Axkaamta lagu kordhiyey cutubkaan waxaa kamid ah;
  1. Dhismaha guddiga qaranka dhulka, waajibaadkiisa, xubnihiisa iyo shuruudaha.
  2. Axkaamta la xiriirta dhulka qofka aan muwaadinka aheyn uu adeegsan karo, cidda awoodda u leh bixintiisa, iyo xayndaabka sharci.
  3. Aas-aasidda wakaaladaha u xil-saaran maaraynta milkiyadda iyo in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iidaysto si caddaalad ah.
  4. Guddiga u xil-saaran abaabulka iyo dardar-gelinta ururinta dakhliga.

Masuuliyada dawladaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ee ka saaran deegaanka sida ilaalinta iyo dhowrista deegaanka, sidii dalku u noqon lahaa mid doogeysan, wacyi-gelinta bulshada, ilaalinta isir hayeenka iyo nafleyda.

Cutubka 4-aad: Matalaadda shacabka

Cutubkan wuxuu nidaaminayaa doorashooyinka wuxuuna ku dhisan yahay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran Maajo 2023. Guddiga wuxuu ku sameeyay taxliilin dhameystiran heshiiska hanaanka doorashooyinka JFS ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaran.

Ayadoo laga duulayo heshiiska Golaha iyo daraasad badan uu guddiga sameeyay axkaamta la xiriirta qodobbada heshiiska doorashooyinka.

Guddiga wuxuu diyaariyay cutubkan 4-aad oo ka kooban 15 qodob oo kulligood ay wada cusub yihiin marka laga reebo hal qodob, sidoo kale waxaa la tiray 1 qodob waxaana lagu kordhiyay afartan iyo shan faqradood oo cusub, sidoo kale waxaa lagu soo kordhiyay laba madax oo kala ah Madaxda 3-aad: Xisbiyada siyaasadda iyo Madaxa 4-aad: Maamulka doorashooyinka.

Guddiga ayaa cutubka 4-aad qodobkiisa 51-aad ku sheegay in hay’addaha sida tooska ah ay muwaadiniintu u dooranayaan ay kamid yihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Sidoo kale waxaa kamid ah labada Aqal ee BF, Madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamullada oo loogu yeeray “hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka dowlad-goboleedyada,” golaha wakiiladda dowlad goboleedyada iyo golaha deegaanka, duqa magaalada iyo ku-xigeenkiisa.
Ad
Previous articleAskartii imaaraadka ee Shalay lagu laayay Muqdisho oo Dalkoodii loo Qaaday
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here