Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii ugu danbeeyey Qarax ismiidaamin ah oo Ka dhacay Magaalada Jowhar(Sawiro)

Wararkii ugu danbeeyey Qarax ismiidaamin ah oo Ka dhacay Magaalada Jowhar(Sawiro)

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo raray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay hoteelka Nuur Doob oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada, waxaana deganaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Wasiirka Haweenka HirShabelle Caasho khaliif, Wasiirka Caafimaadka HirShabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka maamulka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise iyo xildhibaan hore Jeego, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hoteelka la weeraray ayaa gebi ahaan burburay, iyada oo laga soo saaray dad dhaawacyo ah, waxaana sidoo kale bubur uu soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen, waxayna bilaabeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii lasoo dhaafsay yare xasilnaa, walow mararka qaar ay ka dhacayeen qaraxyo nooca miinada ee dhulka lagu aaso.

Ad
Previous articleDeg Deg Sarkaal sare oo Goor dhaw Lagu dilay Galmudug
Next articleRa’iisul Wasaare Xamse Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here