Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax Caawa ka Dhacay Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax Caawa ka Dhacay Muqdisho

0

Qarax miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa caawa ka dhacay xaafada Suuqa xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa ku dhaawacmay Qaraxaas oo ka dhacay halka lagu magacaabo S Company oo ka tirsan Xaafada Suuqa Xoolaha.

Goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa lala damacsana Gaari ay leeyihiin Ciidamada Amaanka oo halkaas marayey.

Hase ahaatee qaraxa ayaa dhacay markii gaariga uu gudbay waxaana dadka Shacab ah oo Khasaaruhu soo gaaray ay la socdeen Mooto Bajaaj.

Dhinaca kale, maanta duhurkii ilaa caawa dadka Muqdisho waxay ka joogi la’yihiin dhawaaqa hub culus oo laga maqlayo duleedka aaga garoonka Aadan cadde.

Hubkan culus waxaa lagu sheegay Dabrid ay sameynayaan ciidamo tababar ku jira, waxaana uu ka dhacayaa xero ciidan oo ku taalla nawaaxiga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Caawa uguma horreyso lkn waa ugu darantahay.

Sida caadiga todobaadkii marar badan ayaa Madaafiicdan la ridaa, waxayna kurbo ku abuurtaa dadka magaalada oo muddooyinkaan, ka nastay qaraxyadii waaweynaa ee Al-shabaab  balse waxaa aysan ka bogsan kii ka socday Xalane ee ciidamada ajaaniibta iyo kuwa dowladda ridayeen.

Ad
Previous articleMayd Xambaarihii Alshabaab iyo Kayd Hayihii Hubkooda Xukuno Adag Lagu Riday.
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo uga Danbayn Ka Dagay Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here