Home Wararka Maanta Mayd Xambaarihii Alshabaab iyo Kayd Hayihii Hubkooda Xukuno Adag Lagu Riday.

Mayd Xambaarihii Alshabaab iyo Kayd Hayihii Hubkooda Xukuno Adag Lagu Riday.

0

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia ayaa Maxamed Cali Xuseen Buundo iyo Cali Suleymaan Ibraahim oo ka tirsan Alshabaab ku ridday xabsi daain.

Raggan ayaa bishii May ee sanandkan lagu qabtay howlgallo laga sameeyay degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug sida ay sheegtay xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labada nin ay ka soo qeyb qaateen dagaaladii Al-shabaab looga saaray degaano ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle ee bartamaha Somalia.

Maxamed Cali Xuseen Buundo ayaa shaqooyinkiisii waxaa ka mid ahayd inuu qaado maydadka Alshabaab ee ku dhinta dagaalada Dowladda, halka Cali Suleymaan Ibraahim uu qaabilsanaa keydinta hubka.

Ad
Previous articleCabdulqaadir Fidhiye oo loo Doortay Hogaanka Cusub ee SSC
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax Caawa ka Dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here