Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Xasan Shiikh oo uga Danbayn Ka Dagay Dhuusamareeb(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo uga Danbayn Ka Dagay Dhuusamareeb(Sawiro)

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Agaasimaha NISA Mahad Salaad, masuuliyiin ka kala tirsan Galmudug iyo DF iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa Dhuusamarreeb ku soo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Galmudug, halkaas oo kulamo ay uga bilowdeen.

Durbadiiba Madaxweynaha ayaa kulamo ka bilaabay Madaxtooyada Galmudug, wuxuuna kulankii ugu horeeyey la yeeshay Qoor Qoor, ku xigeenkiisa Cali Ciid, Agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb sii joogi doona ugu yaraan 10-ka maalmood ee soo socda, sida ay qorsheysay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaas ka hoggaami doona dagaalka Galmudug looga sifeynayo Al-Shabaab oo hadda ku sugan magaalooyin ay ugu waaweyn yihiin Ceelbuur iyo Galhareeri.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu rabo in hal toddobaad lagu soo afjaro Shabaab-ka ku sugan Galmudug, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka.

Xasan Sheekh, Inta uu joogo Dhuusamareeb ayaa la xoreynayaa Ceelbuur, waxaana la qorsheeyey inuu tago magaaladaas, si bulshada reer Ceelbuur uu ula hadlo.
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax Caawa ka Dhacay Muqdisho
Next articleRa’iisul Wasaare Cabdi Barre oo hey’adaha amniga ee magaalada Muqdisho Amar Culus Duldhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here