Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Munaasabada Xilwareejinta Madaxwaynaha Soomaaliya

Wararkii Ugu Danbeeyey Munaasabada Xilwareejinta Madaxwaynaha Soomaaliya

0

Madaxweynihii xilka ka dagaya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la filayaa in uu xafiiska baneeyo talada dalkana ku wareejiyo Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxwaynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xilka ku guuleystay 15-ka bishan kadib Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyooni isagoo la wareegayaa xilka Madaxwaynaha Soomaaliya 8 maalin kadib Doorashadii uu ku soo baxay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta xilka ku wareejinayo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalka Madaxweyne ka ahaa Shan sanno iyo dheeraad.

Qabanqabaadii u dambeysay Munaasabada xil wareejinta ayaa socota Villa Somalia, waxaana Madaxweyne Xassan Shiikh u bilaabaneysa 4 sanno oo uu dalka Madaxweyne ka ahaan doono isagoo noqday madaxweynihii ugu horeeyey Somalia ee labo jeer xilka loo doorto.

Ad
Previous articleFarmaajo oo 5 sano Kadib Maantay ka Guuraaya Madaxtooyada iyo Xasan Shiikh Oo 5 Sana ka dib Dib ugu soo laabaanaaya
Next articleMaxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa oo Xukun Adag Ku Riday Wariye Coldoon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here