Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Iyo Khasaaraha Ka dhashay Qarixii Alshabaab ku Qaadeen laasgacameey...

Wararkii ugu Danbeeyey Iyo Khasaaraha Ka dhashay Qarixii Alshabaab ku Qaadeen laasgacameey oo Qoor Qoor kusugnaa

0

Qarixii Saakay Goor hore Alshabaab ku Qaadeen Laasgacaneey ee Duleedka Degmada Bacaadwayn Halkaas oo ay kusugnaayeen Madax uu Hogaaminaayay Madaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahad Salaad.

Qaraxaan oo Alshabaab kusoo Xireen Gaar aan Xabadu karin yaa La sheegay inuu Qarxay Kadib Markii Ahmed shaakir fiiqane oo Ka Tirsanaa Ilaalada Qoor Qoor uu Gaari kale Ka Horgeeyey kadibna uu Saas ku Qarxay.

Axmed shaakir waxa uu kamid ahaa askarta qaranka mudo usoo shaqeysay horaantiisiina ka tirsanaa Ciidamadii Ahlusunna ee mudada dheer dagaalka kula jiray Kooxda Alshabaab , Waana Halka Askari ee saaka ku ku geeriyooday qaraxii Alshabaab kusoo weerareen deegaankaas.

Sidoo kale Senotor Cabdi Qaybdiid iyo Dhabancad ayaa Waxaa kusoo Dumay Guri ay kusugnaayeen oo ku Yaal Laasgacameey Dhaawacooda ayaana Ah mid aad u fudud Waxaana Haatan lagu Dabiibyaa Hospitaalka Degmada Wisil.

laba Askari oo kale Ayaana Ku Dhaawacmay Qaraxaan Xaalada ayaa Ah Haatan mid Dagan Ciidamafa Dowlada iyo kuwa Galmudug ayaa Qorshaynaayay inay maantay Gudaha ugalaan Degmada Baacadwayn oo Alshabaab Wali Maamulaan.

Ad
Previous articleWar Deg Deg: Alshabaab oo weerar Qaraxyo ah ku Qaaday Ciidamada Difaac Mudug iyo Senotor Cabdiqaybdiid oo ku Dhaawacmay
Next articleSida uu madaxweyne Qoor qoor uga badbaaday weerarkii Al Shabaab?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here