Home Wararka Somaliya Galmudug Sida uu madaxweyne Qoor qoor uga badbaaday weerarkii Al Shabaab?

Sida uu madaxweyne Qoor qoor uga badbaaday weerarkii Al Shabaab?

0

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in is miidaamiye ka tirsan Al Shabaab uu saaka weerar ku soo qaaday halka uu ka degganaa deegaanka Laas – Gacameey oo u dhow Bacaadweyne madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweyne Qoorqoor wuxuu todobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa furumaha dagaalka, gaar ahaan deegaannada Galgaduud.

Meelahaas waxaa ka mid ahaa jiidaha ceel Buur iyo deegaannada ku xeeran, isagoo ujeedadiisu ahayd inuu hago ciidanka dagaalka ku jira.

Weerarka oo dhacay abaarihii 5:40 ee subaxnimo ayaa qofkaas oo waday gaari nooca Soomaalida u taqaanno Leyla Calawi wixii isku dayey, sida ay wararku nagu soo gaarayaan, inuu xoog ku jiiro ilaalada madaxweynaha, laakinse rasaas xoog leh oo lagu furay ayaa keentay inuu qarxo intii uusan gudaha u gelin dhismaha.

Qaraxaas ayey wararku sheegayaan inuu burbur u geystay qaybta hore ee dhismaha.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Galmudug oo BBC la hadlay waxay sheegeen ay rumaysan yihiin in bartilmaameedka uu yahay Madaxweyne Qoorqoor.

Waxay intaa ku dareen in aysan arrintan “cabsi gelin doonin, oo aysan niyad jabin doonin dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab”, oo madaxweyne Qoorqoorna uu halka ka wado hogaaminta dagaalka. Sidaasoo kale waxa hore u sheegay madaxweynaha Soomaaliya oo muddoo bil ka badan Galmudug dagaalka Al Shabaab.

Weerarkii saaka ayey wararku sheegayaan in mid mid ah ilaalada Qoorqoor uu gaari Cabdi bile ah ku hor gooyey gaariga is qarxiyey,isagoo ka hor istaagay inuu gaaro halkii uu doonayey inuu ku qarxo. TAlaabadaas waxaa ku dnhintay wiilka ka tirsan ilaalada qoorqoor ee hor istaagay gaariga qaraxa siday.

Khasaaraha soo gaaray dhinaca Galmudug ayaa la sheegayaa inuu gaarayo laba askari oo dhimasho ah iyo 12 dhaawac ah sida uu BBC u sheegay Maxamuud Axmed Maxamed, wasiir ku xigeenka caafimaadka ee Galmudug.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Iyo Khasaaraha Ka dhashay Qarixii Alshabaab ku Qaadeen laasgacameey oo Qoor Qoor kusugnaa
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo heerka ugu sarreysa ee billadgeesinimo guddoonsiiyey Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi oo isku Dhigay Qarixii Saakay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here