Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Israail iyo Xamaas oo Dagaal Qaraar oo Dhulka Ah...

Wararkii Ugu Danbeeyey Israail iyo Xamaas oo Dagaal Qaraar oo Dhulka Ah Dhexmaray

0

Ciidamada Israel ayaa sii ballaarinaya howllgalada dhulka ah ee Qaza halka diyaaradahooda dagaalku ay duqeeyeen boqollaal meelood oo ahaa bartilmaameedyo ay lahed Xamaas, sida uu sheegay militariga Israa’iil Axaddii, waxaana uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku tilmaamay wajigii labaad ee dagaal socday muddo saddex toddobaad ah.

Isgaarsiintii, taleefoonada iyo internetka ayaa qayb ahaan dib loogu soo celiyay Gaza Axadii, kadib markii ay hawada ka maqneyd in ka badan maalin, taas oo si adag u saameysay howlihii samata bixinta.

Shaaban Axmed, oo ah shaqaale dowladeed ku haray magaalada Gaza, ayaa yiri: “Israa’iil waxay naga gooysay adduunka si ay inoo baabi’iso, laakiin waxaan maqalnaa dhawaqa qaraxyo waxaana ku faraxsanahay in dagaalyahannada wax iska caabbinta ay ciidamada Israa’iil ku celiyeen meel ka baxsan magaalada.”

Axmed, waxa uu sheegay in Axadii uun uu ogaaday in ina-adeerkii lagu dilay weerar dhinaca cirka ah Jimcihii.

Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa duqeeyay in ka badan 450 bartilmaameedyo militari oo ay Xamaas ku laheyd Marinka Gaza, oo ay ku jiraan xarumaha taliska howlgalada, goobaha kormeerka, iyo goobaha laga rido gantaalada lidka taangiyada, sida uu sheegay militariga Israa’iil.

Maamulka caafimaadka ee marinka Qaza oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof ayaa sheegay in 8,005 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3,342 caruur ah lagu dilay ololaha Israel ee lagu ciribtirayo mintidiinta ay taageerto Iran.

Barakacayaasha Falastiiniyiinta ee ku nool teendhooyin ku yaalla Khan Yunis, Gaza, ayaa ku tilmaamay xaalad nololeed oo aad u liidata, isla markaana ay xaddidan tahay helitaanka cuntada iyo biyaha iyo inay saf u galaan saacado si ay u galaan musqulaha.

Ad
Previous articleAlshabaab Qaraxyo U Diyaarinayaay Ciidamada Galmudug oo ayagii Ku Qaraxday
Next articleKenya oo aad fiisa la’aan ku gali karto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here