Home Wararka Maanta Kenya oo aad fiisa la’aan ku gali karto

Kenya oo aad fiisa la’aan ku gali karto

0

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay joojinayso shuruudaha dal ku galka dhammaan dadka Afrikaanka ah ee dalkan soo booqanaya halka lagu gaaro dhammaadka sanadkan.

“Waxaa la joogaa waqtigii aan… ogaan lahayn in xaddidid fiisaha dhexdeenna aysan dani inuugu jirin,” ayuu u sheegay shir caalami ah.

Socdaalka fiisa la’aanta ee qaaradda ayaa ahaa yoolka Midowga Afrika (AU) tobankii sano ee la soo dhaafay.

In kasta oo ay jiraan heshiisyo goboleed iyo qabanqaabo laba geesood ah, horumarka loo marayo qaadista xannibaadaha ayaa ahayd mid gaabis ah.

Seychelles, Gambia iyo Benin oo kaliya ayaa bixiya dal ku gal la’aan dhammaan muwaadiniinta Afrikaanka ah, sida lagu sheegay warbixin uu taageero Midowga Afrika 2022.

Laakiin marka loo eego Tusaha Furitaanka Dal-ku-galka Afrika – oo cabbiraya heerka uu waddan kasta oo Afrika ku yaalla u furan yahay dadka ka imanaya waddamada kale ee Afrika – waddammada intooda badani waxa ay horumar ka samaynayaan fududaynta hababka gelitaanka oo ay xannibaadyo ku soo rogaan waddamada kale qaarkood.

Sannadkii 2022, Kenya waxa ay gashay kaalinta 31-aad marka loo eego 54 gobol.

Madaxweyne Ruto ayaa dadweynihii ku sugnaa Congo-Brazzaville u sheegay inay u xun tahay ganacsiga.

Horaan ayey ahayd markii madaxweynaha Kenya uu sheegay in Kenya ay caalamka oo dhan u ogalaan doonto inay dalkiisa kusoo galaan Fiisa al’aan.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Israail iyo Xamaas oo Dagaal Qaraar oo Dhulka Ah Dhexmaray
Next article50 Sano kadib Bankigii ugu Horeeyey oo laga Leeyahay Dalka Dibadiisa oo Muqdisho laga Furay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here