Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab Qaraxyo U Diyaarinayaay Ciidamada Galmudug oo ayagii Ku Qaraxday

Alshabaab Qaraxyo U Diyaarinayaay Ciidamada Galmudug oo ayagii Ku Qaraxday

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare gaystay uu ka dhacay koonfurta gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka deegaanka Caad ee gobolka Mudug, halkaas ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in miinada ay ku qaraxday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xilligaas ku howlanaa farsameyna qaraxaasi, si ay ugu dhigaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada culus ka wada halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray xubnaha Al-Shabaab, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay jiritaanka qaraxaas, waxayna shaaciyeen inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah.

Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa indhowaanahan ku dagaalamaya ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo laga saaray magaalooyin waa weyn, sida Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dagaallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deeganaka, kuwaas oo jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

Ad
Previous articleCiise Nuur Cartan oo Dhawaan Dilay Ibraahim Maxamed Axmed oo Gacanta lagu soo dhigay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Israail iyo Xamaas oo Dagaal Qaraar oo Dhulka Ah Dhexmaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here