Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Howlgal Culus oo Maantay Ka Socda Masaajidka Cali Gaduud

Wararkii ugu Danbeeyey Howlgal Culus oo Maantay Ka Socda Masaajidka Cali Gaduud

0

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa deegaanka ayaa ku guuldareestay in ay gacanta ku dhigaan muddo isbuuc ah deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay ku qaadeen duullaan culus.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa dagaal adag kala hor yimid ciidamada huwanta ah ee weerarka kusoo qaaday deegaanka Masaajid Cali Gaduud, waxaana deegaankaasi wali qeybo kamid ah ku sugan Al Shabaab halka ciidanka dowladda bannaanka ka joogaan.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa shalay u dirtay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor.

 

Ciidankan ayaana dowladda ugu tala gashay in si buuxda ula wareegaan deegaanka Masaajid Cali Gaduud, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in ciidamada kumaandooska xalay ilaa saakay isku dayayaan in si buuxda ula wareegaan deegaanka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada kumaandooska ku mashquulsan yihiin in ay miinooyinka ka saaraan waddooyinka gala deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo la sheegay in Al Shabaab galiyeen miinooyin aad u badan.

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa dagaalka ka sokow waxaa ka dhacay duqeymo culus oo lagu garaacay dhufeesyada Al Shabaab, waxa ayna dowladda sheegtay in halkaasi lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho?
Next articleMaxkamadda Ciidamadda Oo 26 Shabaab Ah Dil Ku Fulineysa Laba Bil Gudeheed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here