Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Ee Magaalada Laasacanood oo Dagaalo Culus Dib ugu Qarxeen

Wararkii ugu Danbeeyey Ee Magaalada Laasacanood oo Dagaalo Culus Dib ugu Qarxeen

0

Wararka ka imaanaya magaalada Laas Caanood waxay sheegayaan in maanta ay madaafiic badan ku dhaceen magaalada, kuwaasoo geystay khasaare kala duwan.

Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegtay in ilaa hadda la xaqiijiyay dhaawaca labo qof balse ay jiraan dad ku dhintay madaafiicda maanta oo la sheegay in ay ahaayeen kuwo aan kala joogsi lahayn.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu dagaal kooban maanta ka dhacay labo meelood oo ka tirsan magaalada Laas Caanood.

In ka badan labo isbuuc ayuu socdaa dagaalka Laas Caanood oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo xoogag is abaabulay oo ka tirsan dadka deegaanka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kumannaan qof ay ku barakaceen dagaalkan, kuwaasoo qaarkood u qaxay gudaha halka in ka badan 80,000 oo ruux ay ka tallaabeen xadka Itoobiya

Dagaalka Laascaanood oo socday labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 qof iyo dhaawaca tiro kale, sida ay dhakhaatiir maxalli ah sheegeen

Ad
Previous articleMareykanka oo soo saaray sharci ay tahay inay ogaadaan Soomaalida usoo tahriibeysa
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Xarun uu Cusub oo Xariga Ka Jaray ku Qabtay Shirka Golaha Wasiirada Xili uu Dhisay Inta Badan Xarumaha Dowlada Galmudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here