Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey ee Dilka loogaystay Cumar Khaliif Xasan

Wararkii ugu Danbeeyey ee Dilka loogaystay Cumar Khaliif Xasan

0

Rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa gudaha degmada Deyniile ku dishay Cumar Khaliif Xasan oo ahaa Madixii Samafalka Barakacayaasha ee degmada Dayniile.

Marxuumka xiliga la tooganayay waxa uu ka soo laabtay kormeer uu ku soo sameeyay xerooyinka ay dagan yihiin dadka barakacayaasha ah ee aqalada cowshadaha iyo bacaha ka sameysan ku leh halkaasi.

Dableyda weerarkan geysatay oo tiradooda saddex lagu sheegay ayaa hore usii kaxeystay gaari uu lahaa mas’uulka ay dileen, waxaana goobta dilka uu ka dhacay tagay ciidamadda amniga oo baadi goob ugu jira ragii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee toogashadan geystay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyada dilka, waxeyna ku faaneen iney dileen mid kamid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Deyniile ee gobolkan Banaadir.

 

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Dowlada Maraykanka Ka codsatay Hirgalinta Mashruuc Muhiim u ah Soomaaliya
Next articleMadaxweyne Deni Oo Dowladda Norwey Kala Hadlay Iney Taageeraan Arrin Siyaasiyiin Badan Ka Diidan Yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here