Home Wararka Caalamka Wararkii ugu danbeeyey ee Dagaalkii Ukrain

Wararkii ugu danbeeyey ee Dagaalkii Ukrain

0

Ciidamada Ruushka ayaa weerar dhul iyo cir ah ku qaaday saaka waaberigii dalka Ukraine iyadoo wadamo badan oo caalamka ka mid ah ay cambaareeyeen weerarkan.

Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in weerarkan ay dad badan ku dhinteen halka burbur xoog leh la gaarsiiyay saldhigyo ay ciidamada Ukraine lahaayeen.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta diyaarka u ah inay dalka ka difaacaan ciidamada Ruushka inay soo baxaan, isagoo sheegay in Kyiv ay hub u soo saari doonto cid kasta oo doonaysa.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sidoo kale ku booriyay dadka Ruushka ah inay u soo baxaan oo ay ka mudaaharaadaan go’aanka Moscow ee ku wajahan deriskooda.Finland ayaa diyaar u ah inay qaabilaan qaxootiga ka imaanaya Ukraine.

Militariga Ukraine ayaa sheegay in ilaa 50 ka tirsan ciidamada Ruushka la dilay, lix diyaaradoodna la burburiyay, xilli uu dagaalku ka socday bariga dalkaasi.

 

Dowlada Ukraine waxa ay si rasmi ah xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Ruushka kaddib duullaankii uu ku qaaday dalkeda, sida uu shir jaraa’id kaga dhawaaqay Madaxweyne Volodymyr Zelensky.

“Wasaaradda arrimaha gudaha ee [Finland] ayaa dhankeeda isku diyaarinaysa in ay qaabilaan qaxootiga ka imaanaya Ukraine,” Sanna Marin ayaa u sheegtay suxufiyiinta.

Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Ruushka, dhawaaqa qaraxyo ka dhacay cirifka caasimadda Ukraine iyo seeriga hawada ee duullaanka buuxa ee Ruushku ku qaaday dalkaas ayaa sababay in dadka magaalada ay argagaxaan oo ay badbaado u cararaan.

“Baarlamaanka Lithuania ayaa go’aan ka gaari doona in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah gelinka dambe ee Khamiista ka dib dhaq-dhaqaaqa Ruushka ee Ukraine,” ayuu yiri madaxweynaha Gitanas Nauseda.

Gobolka Baltic-ga oo hore u ahaan jiray Jamhuuriyad Soofiyeedka, haddana qayb ka ah NATO iyo Midowga Yurub, ayaa sidoo kale soo jeedin doona in cunaqabatayn dheeraad ah lagu soo rogo dalka Belarus oo lagu eedaynayo inay ku lug leedahay duullaanka.

Madaxwayne Alexander Lukashenko ayaa ku andacoodey in ciidamada Belarus aysan ka qayb qaadanayn duulaanka Ruushka ee Ukraine, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Belta.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleP.M Rooble oo kulan la Qaatay Adam Cabdulmowlaa(Sawiro)
Next articleQul-Qulka Qaxootiga Ukraine ee Yurub oo Bilowday , Wadamo Bilaabay Soo Dhaweyntooda