Home Wararka Caalamka Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson oo Is Casilay

Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson oo Is Casilay

0

Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka, wax yar kaddib markii natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada ay muujiyeen in xisbiyada mucaaradku heleen aqlabiyad.

Kristersson, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay inuu gudbin doono codsigiisa is-casilaadda, isla markaana uu ka degayo xilka ra’iisul wasaaraha.

Wuxuu yiri:

“Hadda waxaa mas’uuliyadda saaran Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu hoggaamiyo tallaabooyinka xiga ee lagu dhisayo dowlad cusub. Si geeddi-socodkaasi uu si degdeg ah u bilowdo, waxaan codsanayaa in la iga qaado xilka ra’iisul wasaaraha.”

Kristersson ayaa sidoo kale sheegay in tirinta hordhaca ah ee codadka doorashada baarlamaanka la soo gabagabeeyay, balse natiijada doorashadu ay abuuri karto xaalad adag oo ku saabsan dhismaha dowladda cusub.

Wuxuu xusay in mowqifyada kala duwan ee xisbiyada ee ku saabsan arrimaha muhiimka ah ay caqabad ku noqon karaan fursadaha kala duwan ee lagu dhisi karo dowlad cusub ama isbahaysi siyaasadeed.w

Ad