Home Wararka Maanta P.M Rooble oo kulan la Qaatay Adam Cabdulmowlaa(Sawiro)

P.M Rooble oo kulan la Qaatay Adam Cabdulmowlaa(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa.

Rooble iyo Adam Cabdulmowlaa ayaa kawada hadlay arrimaha abaaraha dalka, gurmadka la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay iyo isu duwidda dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen sida ugu macquulsan oo gargaarka loo gaarsiin karo dadka ay abaaruhu ay saameeyeen ee ku sugan gobolada fog fog gaar ahaan goobaha aysan dowlada ka talin.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dedaalo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameesay, waxa uuna Rooble arrimaha gurmadka abaaraha kala hadlay Hay’addo, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleMidowga Yurub oo Hanjaabad u Diray Ruushka Xili uu Ukrain weerar Culus ku Qaaday
Next articleWararkii ugu danbeeyey ee Dagaalkii Ukrain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here