Qul-Qulka Qaxootiga Ukraine ee Yurub oo Bilowday , Wadamo Bilaabay Soo Dhaweyntooda

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Jarmalka Nancy Faeser, ayaa Maanta oo Khamiis ah sheegtay inay Taageero u fidin doonto Waddamada ku yaalla Bariga Qaaradda Yurub, gaar ahaan Dalka Poland oo ay ku soo qulqulayaan Qaxoonti ka soo qaxay Colaadda dalka Ukraine.

“Waxaan u fidin doonnaa taageero ballaaran gobollada ay dhibaatadu saameysey – gaar ahaan dalka aan dariska nahay ee Poland – haddii ay dhacdo dhaqdhaqaaqyo qaxooti oo waaweyn,” ayuu Faeser ku yiri hadal uu soo saaray.

Waxay intaas ku dartay in mas’uuliyiinta ammaanka Jarmalku ay xoojiyeen tallaabooyinka ka hortagga weerarrada internetka ee suurtagalka ah.

Ruushka ayaa maanta ku dhawaaqay Hawlgal rasmi ah oo lagu qaadayo Dalka Ukraine kaasi oo bilowday Saaka Xiliga Yurub.