Home Wararka Maanta Maxaa Kasoo Kordhay Qaraxyadii Shakay Gilgilay Suuqa Bakaaraha?

Maxaa Kasoo Kordhay Qaraxyadii Shakay Gilgilay Suuqa Bakaaraha?

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo isxig-xigay oo shalay ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo lala beegsaday dukaamo ganacsi oo halkaasi ku yaalla.

Qaraxyada oo salaaddii duhur kadib shalay laga maqlay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay haatan mareyso illaa 12 qof, halka dhaawacuna yahay 41, sida ay muujinayso xogta dhaawaca iyo dhimashada ee labada isbitaal ee kala ah Madiina iyo Recep Tayyip Erdogan ama Ex-Digfeer,

Macluumaadkaasi oo VOA ay ka heshay wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in Isbitaalka Madiina la geeyey 8 qof oo mayd ah iyo 9 qof oo dhaawac ah.

Sidoo kale isbitaalka Recep Tayyip Erdogan ayaa qabtay 32 qof kuwaasi oo 4 qof oo ka mid ah ay mayd ahaayeen, halka inta kalena ay dhaawac yihiin.

Qaraxyada shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa badankood lala beegsaday dukaamada iibiya qalabka Electronics-ka, waxaana laamaha amniga ay sheegeen inay qaraxyadaasi ka dambeeyeen maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa weli rasmi ahaan uga haldin qaraxyadan.

Laamaha amniga ayaa baarista hordhaca ah ku sheegay in qaraxyadaasi ay sababeen miinooyin la dhigay goobahan ganacsi, waxaana weli socota baaritaano la xiriira arrintaan.

Suuqa Baarakaha ayaa ah suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, halkaasi oo xuddun u ah nolosha malaayiin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan noloshoodu ugu tiirsan yahay.
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dooddii xasaasiga aheyd ee BF oo soo Dhamaatay
Next articleAbwaan nageeyey oo Shaaciyay Sababtii uu ugu Biiray Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here