Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dilka Magaalada Cadaado loogu Gaystay Ganacsade Cabdullahi Ciise (Shabeel)

Wararkii ugu Danbeeyey Dilka Magaalada Cadaado loogu Gaystay Ganacsade Cabdullahi Ciise (Shabeel)

0

ANU Cabdullahi Ciise (Shabeel) oo ka mid ahaa Ganacsatada Cadaado ayaa Caawa lagu dilay Magaalada Cadaado.

Ninkaan Oo Caan ka Ahaa Magaalada Cadaado kuna Lahaa mid ka mid ah Maqaayadaha uga Caansan Magaalada Cadaado ayaa Caawa Fiidkii Hore Magaladaas lagu Dilay.

Ganacsade Shabeel ayaa Dilkiisa Waxaa Ka Danbeeyey nin  ay Qaraabo ahaayeen Kadib Markii uu Dhexmaray Dagaal Gacan ka Hadal ahaa.

Ganacsade Shabeel ayay is Feereen ninkaan oo Qaraabo dhow ahaayeen ayaa ugu Danbayn Sababsaday Geeridiiisa.

ninka Dilla Gaystay oo ku Hubaysnaa Biskoolad ayaa Rasaas La dhacay Ganacsade Shabeel Taas oo Sababtay inuu U geeriyoodo rasaastii lagu Dhuftay.

Hadal Haynta Ugu Badan ee Magaalada Cadaado ayaa Caawa ah Dilka Ganacasade Shabeel oo si wayn looga Yaqaanay Degmada Cadaado.

Magaalaada Cadaado ayaa ahayd Magaalada ugu Amniga Badan Galmudug in muda ahna lama Soo warin Dil noocaan oo kale ah oo Halkaas Ka dhacay.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Si tarabtarab ah bilaabay inay Isku soo Dhiibaan(Sawiro)
Next articleGalmudug oo laaga Dhawaaqay Howlgalka Soo Afjarida Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here