Home Wararka Maanta Alshabaab oo Si tarabtarab ah bilaabay inay Isku soo Dhiibaan(Sawiro)

Alshabaab oo Si tarabtarab ah bilaabay inay Isku soo Dhiibaan(Sawiro)

0

Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta soo bandhigay laba xubnood oo kasoo goostay Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda.

Labadan nin ayaa iska soo dhiibay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, halkaas oo lagu soo dhaweeyay, sida ay shaaciyeen saraakiisha milatariga Soomaaliya.

Magacyada raggan ayaa waxaa lagu kala sheegay Xasan Macalin Aweys oo magaciisa afgarashadu yahay (Jindullaah) iyo Cabdullahi Ibraahim Maxamed oo isna loo yaqaan  (Jabal), kuwaas oo ah wiilal dhalinyaro ah oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Hadallo ay siiyeen warbaahinta dowladda ayaa waxa ay ku sheegeen inay muddo saddex sanno ah ka tirsanaayeen Shabaab, isla-markaana ay ka qayb qaateen dagaallo dhowr ah.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay ka soo laabteen waddadii khaldaneed ee ay raaceen, sida ay ku sheegeen wareysiyo muuqaal ah oo ay ka qaaday warbaahinta qaranka.

Dhanka kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in dhalinyaradan lasoo dhaweeyay, isla-markaana ay mari doonaan habraaca la marsiiyo xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in lagu wareejin doono hay’adaha ku shaqada leh, si ay uga gaataan waajibaadka ka saaran xubnahaan maanta isaga soo dhiibay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo badanayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda dalka.

Ad
Previous articleXasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Marwo Catriona Laing(Sawiro)
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dilka Magaalada Cadaado loogu Gaystay Ganacsade Cabdullahi Ciise (Shabeel)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here