Home Wararka Maanta Galmudug oo laaga Dhawaaqay Howlgalka Soo Afjarida Alshabaab

Galmudug oo laaga Dhawaaqay Howlgalka Soo Afjarida Alshabaab

0

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in hawlgalka ballaaran ee xilligan ka bilaabanaya deegaanada Galmudug uu yahay mid lagu dhameystirayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa ku waramaya in qorshuhu yahay in ciidamada ay xoreeyaan deegaanada ay maleeshiyadaasi kaga harsan yihiin Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo weliba sidii looga sifeyn deegaano dhaca xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, oo sida uu sheegay ay meelo ka mida ku dhuumaaleysanayaan.

“Hawlgalkani waa in Khawaarijta looga saaro qaybo ka mida Gobolka Mudug, qaybo kale oo ka mid ah Gobolka Galgaduud, xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe la wadaagaan Gobolka Galgaduud, meelahaas Khawaarij yar oo ku dhuumaneysa oo ku jirta sidii looga dhameystiri lahaa, oo dadka Soomaaliyeed ay halkaa ku dhibaateynayaan looga dulqaadi lahaa ayuu ku wajahan yahay,” ayuu yiri Al-Cadaala.

Waxa uu tilmaamay in tan iyo intii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu soo laabtay xafiiska lagu guuleystay in dhul ballaaran laga saaro maleeshiyadaasi.

“Dhul aad u tiro badan ayaa laga saaray Khawaarijta oo Magaalada Muqdisho wax yar uun u jiray, haddana dhul 500km illaa 600km gaarayaa laga saaray, oo hadda dadka ay xorriyad ku nool yihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar.

Al-Cadaala ayaa sheegay in sababta ahmiyadda sidaa u weyn loo siinayo la dagaalanka Shabaab ay tahay, iyadoo Madaxda Qaranku ay qabaan wax kasta oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo qaban lahaa, aanan loo qaban karin inta Shabaabku ay ku sugan yihiin qayb ka mida dalka.

“Madaxweynaha wuxuu aaminsan yahay oo Raysal Wasaaruhu aaminsan yahay oo dowladda maanta jirta ay aaminsan tahay wax kasta oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo qaban lahaa, lama qaban karo inta ay Khawaarij waddanka meel ka mid ah joogto. Sababtoo ah waxay u taagan yihiin cagsiga dhammaan himilooyinka dadka Soomaaliyeed, hadday siyaasad, dhaqaale, adeeg bulsho iyo hadday horumarin nolosha dadka noqoto, midna lagama shaqayn karo,” ayuu yiri Al-Cadaala.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dilka Magaalada Cadaado loogu Gaystay Ganacsade Cabdullahi Ciise (Shabeel)
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Duqaymihii Alshabaab loogu Gaystay deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here