Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar kana Culus kuwii hore oo ka socda...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar kana Culus kuwii hore oo ka socda Laasacaanood

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka degaanka ee SSC-Khaatumo.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa uu haatan ka socdaa bariga iyo galbeedka magaaladaasi, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay barbar socoto duqeyn xoogan, taas oo sii adkeyneysa xaaladda adag ee ka jirta halkaasi.

Duqeynta ayaa saameysay xarumo ku yaalla bartamaha magaalada Laascaaood, kuwaas oo isugu jiro guryo ay dagan yihiin dad shacab ah iyo goobo ganacsi intaba.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya saraakiisha labada dhinac oo ku aadan dagaalka ka socda Laascaanood.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Dagaalladan cusub ayaa kusoo aadayo, ayadoo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Ad
Previous articleWARAR Qaramada Midoobay oo soo saartay digniin Culus oo ku socota Dalal ay Soomaaliya ku jirto
Next articleRuushka oo fuliyey qodobo ka mid ah heshiiskii kooxda Wagner

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here