Home Wararka Maanta Ruushka oo fuliyey qodobo ka mid ah heshiiskii kooxda Wagner

Ruushka oo fuliyey qodobo ka mid ah heshiiskii kooxda Wagner

0

Hay’adda amniga Ruushka ee FSB ayaa maanta ku dhowaaqday inay laashay dacwad ka dhan aheyd dagaal-yahanada kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ee ku eedeysan inay sameysay gadood hubeysan oo ay xukunka uga tuureyso hoggaanka militari ee dalka.

“Kiis dambiyeedka loo furay kacdoonkii hubeysnaa ee shirkadda militariga gaarka ah ee Wagner waa la xiray,” ayey FSB ku tiri bayaan ay baahiyeen wakaaladaha wararka Ruushka.

FSB ayaa go’aankeeda ku sharaxday bayaanka, ayada oo sheegtay in ka qeyb-galayaasha kacdoonka hubeysan “ay joojiyeen ficilladooda tooska ahaa ee looga dan lahaa inay dambi galaan.”

“Iyadoo la tixgelinayo arrintan iyo duruufaha kale ee la xiriira baaritaanka, hay’adda baaristu waxay soo saartay go’aan lagu soo afjarayo kiiska dambiga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

FSB ayaa dhammaadkii toddobaadka ku eedeysay aas-aasaha Wagner Yevgeny Prigozhin inuu isku dayey inuu billaabo “dagaal sokeeye,” waxayna ugu baaqday dagaal-yahannada kooxda inay soo xiraan.

Dhinaca kale, diyaarad lala xiriirinayo Yevgeny Prigozhin ayaa maanta tagtay dalka Belarus kadib markii ay ka baxday Ruushka, ayada oo la rumeysan inay u qaaday dibad-joognimo, saddex maalmood kadib gadoodkii ka dhanka ahaa militariga Ruushka.

Website-ka dabagalka duulimaadyada ee Flightradar24 ayaa muujiyey diyaaradda Embraer Legacy 600, oo wadata tirooyinka aqoonsi ee diyaarad lala xiriiriyo Prigozhin, sida ku cad dokumentiyada xayiraadaha Mareykanka uu saaray Prigozhin, oo ka degeysa caasimadda Minsk.

Waxay markii hore website-ka kasoo muuqatay ayada oo dul mareysa magaalada Rostov ee koonfurta Ruushka, halkaasi oo ciidamada Wagner ay qabsadeen Sabtidii.

Heshiiskii la isku raacay Sabtidii ee qaboojiyey xiisadda ayaa waxaa qeyb ka ahaa inaan wax kiis dacwadeed ah lagu soo oogin ciidamada Wagner ee ka qeyb-qaatay kacdoonka, iyo in hoggaamiyahooda Prigozhin uu u guuro dalka Belarus, qodobadaas oo Kremlin-ka uu hadda fuliyey.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar kana Culus kuwii hore oo ka socda Laasacaanood
Next articleCali Ibraahim Cabdi oo ugu Danbayn usoo Gacan Galay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here