Home Wararka Maanta WARAR Qaramada Midoobay oo soo saartay digniin Culus oo ku socota Dalal...

WARAR Qaramada Midoobay oo soo saartay digniin Culus oo ku socota Dalal ay Soomaaliya ku jirto

0

Qaar ka mida hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in malaayiin qof oo ku nool gobolka Geeska Afrika, inay la daalaa dhacayaan gaajo iyo dhibaatooyin caafimaad, oo ay sababeen abaaraha, isbedelka cimilada iyo colaadaha ka jira gobolkaas.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay, in illaa todoba dal oo ku yaalla Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin, Djibouti, Ethiopia, Soomaaliya, South Sudan, Sudan iyo Uganda, inay haatan soo foodsaartay xaalad daran oo cunto yaraan ah, taas oo aan hore loo arag.

WFP ayaa sheegtay in ku dhowaad 60 milyan oo qof oo ku nool gobolkaasi inaanay haysanin cunto ku filan, waxaana taasi ay ku khasabtay qoysas badani inay iska iibiyaan xoolihii ay dhaqan jireen, iyaga oo qabatimay dhaqano aan haboonayn, si ay u helaan cunto ay ku badbaadaan.

Marka loo eego cabirada ay Qaramada Midoobay u isticmaasho heerka sugnaanta cuntada, heerka afraad ayaa lagu cabiraa, marka ay bulshada soo foodsaarto cunto yari aad u daran, isla markaana ay halis ugu jiraaan inay u dhintaan gaajo, halka heerka shanaadna lagu cabbiro marka ay dadku macaluulsan yihiin isla markaana ay gaadheen heerka macaluusha.

Ad
Previous articleMadaxweyne William Ruto oo si cad uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar kana Culus kuwii hore oo ka socda Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here