Home Wararka Somaliya Wararkii ugu danbeeyay Midowga Musharixiinta oo wada Qorshihii ugu danbeeyay ee Banaan-baxa...

Wararkii ugu danbeeyay Midowga Musharixiinta oo wada Qorshihii ugu danbeeyay ee Banaan-baxa jimcaha

0

Xubnaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha ayaa weli ku adkeysanay in Maalinta Jimcada ah ee todobaadkaan ay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ku qaban doonaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo.

Qaar kamid ah Midowga musharixiinta Madaxweynaha oo hadlay ayaa sheegay in banaanbaxa uu yahay mid nabadeed, isla markaana dadka Muqdisho la doonayo inay ku muujiyaan in Farmaajo uu si sharci darro ah ku joogo weli Villa Soomaaliya.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in aysan wali kasoo jawaabin hay’addaha Ammaanka baaqii ay u direen oo ahaa sugida Ammaanka banaanbaxayaasha.

Waxaa xusay in banaanbaxa uu u dhici doono sidii loogu tala galay loogana soo horjeedo Madaxweynaha uu waqtigiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadii uu dhagax jabana loo heysto Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Tan iyo markii Xubnaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha ay ku dhawaaqeen banaanbaxa ayaa aad looga hadal haayay Magaalada Muqdisho, iyada oo dadka ay siyaabo kala duwan uga hadlayeen.

Ad
Previous articleGuddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Qoraal u diray madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada
Next articleShiikh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here