Home Wararka Somaliya Wararka ugu Danbeeyay Galmudug oo Ciidan geysay Degmada Cabudwaaq

Wararka ugu Danbeeyay Galmudug oo Ciidan geysay Degmada Cabudwaaq

0

Maamulka Galmudug ayaa Maanta degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud geeyay Ciidamo kala duwan, halkaas oo dhawaan ay ka dhaceen dilal la xiriira aanooyin qabiil.

Ciidamada oo ka baxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa isugu jira, Boolis, Nabadsugid iyo kuwa Gorgor, waxaana ay ka qeyb qaadanayaan sugida Amniga degmada Cabudwaaq iyo degaannada hoostaga, waxaana Cabudwaaq kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug & Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug.

Shir habeen ka hor ka dhacay degmada Cabudwaaq oo uu guddoominayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa lagu go’aamiyay in Ciidamada la geeyo degmada Cabudwaaq oo Saddex habeen oo isku xiga lagu dilay dad Shacab ah.

Saraakiisha Ciidamada la geeyay degmada Cabudwaaq ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortagayaan colaad Beeleedyada iyo waxkasta oo lidi ku ah amniga, iyaga oo digniin u diray maleeahiyaadka labada dhinac ee dilalka geysanaya.

Ad
Previous articleRuushka oo ka hadlay Weeraro lagu garaacay bartilmaameedyo militari oo u dhow Kiev
Next articleTaliyihii Asluubta oo Xilkii Taliska ka tegay Kuna wareejiyay Taliye ku xigeenka (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here