Home Wararka Somaliya Wararka ugu danbeeyay Barakac ka socda Guriceel iyo Xiisad ka jirta wali

Wararka ugu danbeeyay Barakac ka socda Guriceel iyo Xiisad ka jirta wali

0

Waxaa saaka xiisad dagaal laga dareemayaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas in ka badan laba todobaad ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.

Dadkii ku noolaa badi degmada Guriceel ayaa ka barakacay, iyaga oo aaday degaano kale oo u dhow Guriceel si ay uga badbaadaan hadii u dhaco  dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhina c iyo Ahlusunna.

Sidoo kale saaka ilaa xalay ayaa waxaa la xiray Goobo Ganacsi oo horleh, sida Kaalmaha Shidaalka lagu iibiyo, si aysan waxyeelo uga dhalan hadii uu dagaal dhaco.

Ciidamada Ahlusunna ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo waxaa ay ka wadaan Gudaha iyo daafaha degmada Guriceel si ay isaga difaacaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug hadii ay soo weeraraan.

Dadkii ka barakacay Guriceel ayaa ku sugan duleedka degmadaas, kuwaas oo la sheegayo inay dhibaatooyin kala duwan ku heysato halkaas.

Ad
Previous articleSomaliya iyo Masar oo ka wadahadlay amniga sidii la isaga kaashan lahaa
Next articleGuddiga Doorashada Galmudug oo Maanta Tababar u Soo diray Askar iyo Saraakiil Loo Tababaray Sugida Amniga Goobaha Dooraahada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here