Home Wararka Maanta Somaliya iyo Masar oo ka wadahadlay amniga sidii la isaga kaashan lahaa

Somaliya iyo Masar oo ka wadahadlay amniga sidii la isaga kaashan lahaa

0

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhida dalka Pakistan, Khadija Mohammed Al Makhzumi ayaa la kulantay taliyaha ugu sarreeya Ciidanka Badda Pkaistan, Admiral Mohammed Amjad Khan Niazi.

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka ciidamada badda Pakistan, safiirka Soomaaliya Khadija Muhammad Al-Makhzumi ayaa booqatay xarunta ciidamada badda ee Islamabad.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Pakistan ayaa sheegay in kulanka danjiraha Soomaaliya iyo madaxa ciidamada badda Admiral Muhammad Amjad Khan Niazi looga hadlay arrimo khuseeya labada dhinac.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyo iskaashiga baddaha.

Afhayeenka ciidanka badda ayaa intaas ku daray in safiirka Soomaaliya uu ammaanay doorka ciidamada badda Pakistan ee xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ad
Previous articleWasiirkii Hore ee Amniga Galmudug oo Weerar ku qaaday Qaar ka mid ah Culimada
Next articleWararka ugu danbeeyay Barakac ka socda Guriceel iyo Xiisad ka jirta wali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here