Waxaa saaka xiisad dagaal laga dareemayaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas in ka badan laba todobaad ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.
Dadkii ku noolaa badi degmada Guriceel ayaa ka barakacay, iyaga oo aaday degaano kale oo u dhow Guriceel si ay uga badbaadaan hadii u dhaco dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhina c iyo Ahlusunna.
Sidoo kale saaka ilaa xalay ayaa waxaa la xiray Goobo Ganacsi oo horleh, sida Kaalmaha Shidaalka lagu iibiyo, si aysan waxyeelo uga dhalan hadii uu dagaal dhaco.
Ciidamada Ahlusunna ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo waxaa ay ka wadaan Gudaha iyo daafaha degmada Guriceel si ay isaga difaacaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug hadii ay soo weeraraan.
Dadkii ka barakacay Guriceel ayaa ku sugan duleedka degmadaas, kuwaas oo la sheegayo inay dhibaatooyin kala duwan ku heysato halkaas.
Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan