Home Wararka Somaliya Galmudug Wararii Ugu Danbeeyey Ciidamada Danab oo Gaalkacyo ku Dilay Dad Shacab ah

Wararii Ugu Danbeeyey Ciidamada Danab oo Gaalkacyo ku Dilay Dad Shacab ah

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya rasaas ay fureen ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee Danab ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, taas oo sababtay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Falkan ayaa maanta ka dhacay waddada dheer ee isku xirto magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka lagu magacaabo Dagaari, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka ku dhintay rasaastaasi waxaa ka mid ah nin lagu magacaabi jiray Mascuud Cabdulqaadir Dhoore oo ka soo jeeda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Danab ee lagu eedeeyey falkaasi in ay goobta isaga dhaqaaqeen, isla-markaana ay sii wateen socdaalkoodaii ku sii wajahanaa Mudug.

Sidoo kale waxaa goor dambe ku baxay dhacdadaas ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo maydadka iyo dhaawacyada dadka shacabka ah ka soo qaaday halkaasi.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa falkan, balse ehellada dadka ay waxyeellada soo gaartay ayaa cadaalad ka dalbanaya dowladda dhexe iyo Galmudug.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo gaaray Kenya (Sawiro)
Next articleOdinga oo isbeddelay kuna dhowaaqay go’aan cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here