Home Wararka Maanta Madaxweyne William Ruto oo si cad uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya

Madaxweyne William Ruto oo si cad uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya

0

Madaxweynaha dowladda Kenya, William Ruto ayaa si cad uga horyimid qorshaha dowladda federaalka ee ku aadan bixitaanka ciidamada howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika, kuwaas  oo la filayo inay dalka ka baxaan 2024-ka.

Ruto oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka caanka ah ee France 24, ayaa ganafka ku dhuftay arrintaasi, wuxuuna tilmaamay in laga yaabo in ciidankiisa ay sii joogaan Soomaaliya, kadib marka uu soo dhammado howlgalkan oo qaatay in ka badan 15 sano ah.

Madaxweynaha Kenya ayaa sababta ku sheegay in Al-Shabaab laga yaabo inay dib u soo laabtaan, isla-markaana ay qabsadaan dhulka ballaaran ee haatan laga saaray.

Sidoo kale waxa uu xusay in dalalka safarka hore, gaar ahaan Kenya, Itoobiya iyo Uganda ay gaareen go’aan ah inay kusii nagadaan Soomaaliya, si loo tir tiro kooxda Al-Shabaab.

‘Waxaan go’aansanay haddii aan nahay dalalka safka hore ee Kenya, Uganda iyo Itoobiya inaan kusii jirno koorsadan, haddii loo baahdo waxaan u aragnaa inay lama huraan tahayn inaan kasii gudbno jadwalka dhimista si aanay u lumin waxa aan gaarnay, sababtoo ah waxaan kasoo baxnay xaalad, marka yaanan u ogolaan Al-Shabaab inay dib ugu soo laabtaan isla’egta ama masraxa” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Kenya, William Ruto.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in kooxda Al-Shabaab ay caqabad ku tahay guud ahaan gobolka, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in laga wada hortago.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhammaadka bishan June lagu wado inay dalka ka baxaan 2000 oo kamid ah AMTIS, taas oo qayb ka ah qorshaha ka bixitaankooda Somalia.

Si kastaba, tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee ka billowda gobollada dalka, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah.

Ad
Previous articleCiidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin Burcad ah iyo Mooto uu watay (Sawirro)
Next articleWARAR Qaramada Midoobay oo soo saartay digniin Culus oo ku socota Dalal ay Soomaaliya ku jirto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here