Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Sudan oo ka baxday urur goboleedka IGAD

War Deg Deg ah:Sudan oo ka baxday urur goboleedka IGAD

0

Sudan ayaa joojinaysa xubinimadeeda ururka Igad ee waqooyi bari Afrika isku day ay ku dhexdhexaadinayso colaada ka jirta dalkaasi.

Igad ayaa isku dayaysay in ay soo afjarto dagaalka socday sagaalka bilood ee u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo kooxda ka soo horjeeda ee Rapid Support Forces (RSF).

Khamiistii dowladda Sudan ayaa ku dhaleeceysay Igad inay ku casuuntay madaxa RSF shir madaxeed.

Khartoum ayaa hadda sheegtay in bayaan ay soo saartay Igad uu ahaa mid weerar ku ah Suudaan.

Urur-goboleedka IGAD waxa la asaasay sannadkii 1996-kii, waxana uu ka kooban yahay siddeed waddan oo kala ah Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia, Eritrea Sudan iyo Somalia.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo ku wajaha Garowe ogoow Sababta
Next articleHadal ka farxiyey Soomaaliya kana ‘xanaajin’ doona Ethiopia oo ay maanta ku dhawaaqay Masar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here