Home Wararka Maanta Hadal ka farxiyey Soomaaliya kana ‘xanaajin’ doona Ethiopia oo ay maanta ku...

Hadal ka farxiyey Soomaaliya kana ‘xanaajin’ doona Ethiopia oo ay maanta ku dhawaaqay Masar

0

Maalin ka dib markii Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho rasmi ah uu ku tagay dalka Masar, kulamana uu la yeeshay dhigiisa Cabdifitaax Alsisi, ayay dowlada Masar ayaa ku dhawaaqday inay garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya xili xiisad adag ay kala dhaxayso dalka Itoobiya.

Shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Masar ayuu Al-sisi ku sheegay in Masar aysan aqbali doonin xadgudub kasta oo ka dhana Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar ayaa si cad u sheegay inay diidan yihiin Is afgaradkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayna la dhinac yihiin Soomaaliya.

“Cidna dani uguma jirto in la tijaabiyo dulqaadka Masar oo loo hanjabo walaalaheed”, ayuu yiri Madaxweyne Al-Sisi.

“Masar waxay ku taagan tahay go’aan adag oo ay ku ilaalinayso amniga Soomaaliya, lama ogolaan doono cid dibadda ka ah oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed ama ammaankooda wax u dhimaysa, waxaan si hagar la’aan ah u garab taagannahay walaalaheen, haddii ay noo yeeraana kama baaqan doono”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Al-Sisi.

Hadal uu bogiisa twitter ka soo dhigay agaasimaha madaxtooyada Soomalaiya Cabdixakiin Yuusuf ayuu ku yiri: “Dulucda shirka waa isdifaac iyo iskutashi”.

Madaxweynaha Masar ayaa xusay in xeerka Jaamacada Carabta oo ay Soomaaliya iyo dalkiisuba xubin ka yihiin uu qabo in wadajir loo difaaco dalkii carbeed ee ay soo food saarto khatar jiritaan, isagoo u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay diyaar u yihiin haddii ay u baahdaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir dhankastaba ah oo taariikh fog raad raacaya.

‘‘Waxaan gudbinay aragtideena xoogan ee dowlada Soomaaliya, ee ku aadan in dowlada Masar aan ka wada shaqayno sidii loo sii hormarin lahaa arimaha amaanka – gaar ahaan xiligan xasaasiga ee lagu jiro hubanti la,aanta siyaasadeed ee ay keenta Juquraafiyadda gobolka iyo jabinta qawaaniinta calamiga ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh oo kudbad jeedinayay.

“Badda cas waxay muhiim u tahay ganacsiga caalamiga, fursadaha hadda iyo kuwa mustaqbalk. Soomaaliya waxay leedahay qayb muhiim ah oo baddaas ka mid ah, mana oggolaan doono in taako ma mid ah la qaato” ayuu intaas raaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa raadinaysa taageero diblomaasiyadeed iyo mid ammaan si ay u maarayso xiisada kaga furan Itoobiya.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Sudan oo ka baxday urur goboleedka IGAD
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey askartii Mareykanka ee lagu waayay xeebaha Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here