Home Wararka Somaliya Puntland Xasan Shiikh oo ku wajaha Garowe ogoow Sababta

Xasan Shiikh oo ku wajaha Garowe ogoow Sababta

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegi doona magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, si uu uga qeyb-galo caleema saarka madaxweynaha dib loogu doortay maamulkaasi ee Saciid Deni.

Sida ay Mudug24 u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo gacanta ku haysa qaban-qaabada xaflada caleema saarka Deni, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay munaasabadda.

Madaxweyne Xasan ayaa aqbalay casuumadda, taasi oo ka dhigan in madaxweynaha uu dhawaan tegi doono magaalada Garoowe oo ay hadda ka socoto qaban-qaabada xaflada caleema saarka madaxweyne Saciid Deni.

Munaasabadda caleema saarka ayaa sidoo kale waxaa lagu casuumay Madaxda dowlad-goboleedyada dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Madax hore iyo Siyaasiyiin, iyo weliba sidoo kale wafuud ka socota daafaha caalamka.

Dhinaca kale, waxaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray magaalada Garoowe madax kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka ah madaxda ku casuumada xaflada caleema saarka madaxweynaha Puntland.

Xubnaha tegay Garoowe waxaa kamid ah ma’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka baxay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Garoowe, halkaas oo lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, Khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa weli halkiisi ah, waxaana la filayaa in kadib dib u doorashada Deni ay dowladda federaalka ay muujiso dabac siyaasadeed, si loo soo afmeero khilaafka dabada dheeraaday ee Puntland iyo dowladda dhexe.

Ad
Previous articleSaldhig lagu Qoraayay Ciidamo Cusub oo Alshabaab ku Biiri lahaa Oo la Burburiyay
Next articleWar Deg Deg ah:Sudan oo ka baxday urur goboleedka IGAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here