Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH:Qarax ka Dhacay Isgoyska Soobe Xili Wadada Soobe Ay...

WAR DEG DEG AH:Qarax ka Dhacay Isgoyska Soobe Xili Wadada Soobe Ay Xirantahay

0

Qarax ayaa hadda ka dhacay isgooyska Soobe, xilli ay waddada Maka Almukarrama oo dhan ay u xiran tahay ciidamada dowladda.

Gaarigga ku qarxay isgooyska Soobe waxaa watay sarkaal ka tirsan ciidamada Boliiska ee Soomaaliya.

Laamaha amaanka ee dowladda oo aan la hadalnay ayaa ii xaqiijiyay in waxa dhacay keliya ay yihiin sarkaalkaas oo gaariggiisa qarax loogu soo xiray.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu watay sarkaal ka tirsan Booliska, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray waddadaasi.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan marka laga tego burbura baabuurka, waxaana weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi.

 

Ad
Previous articleWakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo Durbaba Faragalisay Khilaafka Puntland iyo Dowlada Dhexe
Next articleWAR DEG DEG AH: Dagaal Culus oo Diyaarado ka Qaybqaadanayaan oo Ka Socda Awdhiigle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here